Dani Carvajal oo Mashaqada ku sii badiyay Madrid

(Madrid) 03 Okt 2018. Real Madrid ayaa xalay guul darro 1-0 kala kulantay kooxda CSKA taa oo ka dhigan inay wax guul ah arkin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.

Waxaa taa u sii dheer inuu garoonka dhaawac uga baxay daafacbooda garabka midig ee Dani Carvajal.

Daqiiqadii 42-aad ayaa daafaca reer Spain lagu badelay Alvaro Odriozola ciyaarti xalay ay guul darada kala kulmeen CSKA tartanka Champions League.

Dhaawaca uma muuqan mid halis ah balse waxaa la sugi doonaa jawaabta ka soo baxda tijaabooyinka caafimaad ee la marsiin doono.

Los Blancos oo awalba la liiceysay dhaawacyada Marcelo, Isco iyo Bale ayaa waxaa ugu soo darsamay Carvajal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close