Cristiano Ronaldo oo ugu dambeyn ka jawaab celiyay eedeymaha ku aadanaa inuu geestay kufsi

(Juventus) 03 Okt 2018. Xidiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeyn ka jawaab celiyay maanta oo Arbaco ah eedeymaha ku aadanaa inuu kufsaday haweeney Mareykanka ah sanadkii 2009kii.

Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah kaga hadlay Facebook-giisa  inuusan sameynin wax kufsi ah sanadii 2009

“Aad ayaan u beeninayaa eedeymaha igu saabsan aniga, waxaan aaminsanahay in kufsiga uu yahay dambi xun”.

“Waxaan xili kasta ka taxadiraa in magaceyga uu nadiif ahaado, waxaan diidanahay sidoo kale in shaqsiyaadka qaar ay caan igu noqdaan aniga, waxaan sugi doonaa natiijooyinka baaritaannada waliba si degan”.

Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu ku eedeyn doono qof walba ee isku dayaya inuu magaciisa caan ku noqdo, hadii uu yahay shaqsi ama hay’ado.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close