Seddaxley uu Dhaliyay Paulo Dybala oo Juventus ka Caawisay in Sahal ay ku Dhaafo kooxda yare ee Young Boys

( Champ’ League ) 02 Okt 2018. Juventus ayaa ku dhibtoon in seddaxda dhibcood ee cayaarta ka helaan kooxda Young Boys oo marti u aheyd markii ay kaga badiyeen 3-0.

Kulanka Bianconeri ayaa qeybta hore lagu kala maray 2-0. Waxaana labada goolka u dhaliyay weeraryahankooda Pualo Dybala.

Iyadoo goolka seddaxdaana uu isaga raacsaday sidaan uu dheesha kaga dhaliyay hat-trick ama Seddaxley.

Guusha ay gaartey Juventus ayay ka dhigan tahay iney lee yihiin 6 dhibcood labada dheel ee ugu horreeyay koobka kooxaha yurub.

Waxaana kulanka ka dhacay garoonka kooxda Turin seegay laacibka Cristiano Ronaldo oo ganaax ahaa kaddib markii uu casaan qaatay kulankii Valencia.

Guuldarrada soo gaartay naadiga reer Switzerland ee Young Boys ayay la micno tahay kooxda ay qasaartay labada dheel ee ugu horreeysa tartanka iyagoo kulankii kowaad guuldarro ceenkaan oo kalaa ay kasoo gaartay kooxda Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close