Real Madrid oo Guuldarro kala kulantay CSKA Moscow iyo Man United oo Barbaro la Dhaafi Weysay Dhigeeda Valencia.

( Champ’ League ) 02 Okt 2018. Difaacayaasha koobka Champions League ee Real Madrid ayaa guuldarro xanuun badan kasoo gaartay kooxda reer Russia ee CSKA Moscow.

Gool qura ayaa looga badiyay kooxda koobka xafidaneysa kasoo laga dhaliyay markii cayaartu socotay 2-daqiiqo kaliya waxaan la dhaliyay Nikola Vlasic.

Balse Madrid ayaa ku dhawaatay inay goolka bareejada la yimadaan markii uu madax birta ku garaacay da’yarka Marino Diaz.

Guuldarradaan soo gaartay kooxda Real ayay ka dhigan tahay in kooxda aysan wax guulka gaarin seddaxdii dheel ee ugu dambeysay dhammaan tartamada.

Hogaamiyaha Real ayaa safkiisa ka reebay cayaartay kabtanka kooxda ee Sergio Ramos isagoo sii nasiino cayaartan.

Laakiin dhamaadka waqtigii dheeriga ee kulanka waxaa cayaarta kala saaray goolhayaha CSKA Moscow ahna kantankooda Igor Akinfeev.

Dhanka kale Manchester United ayaa awood u yeelan weysay inay dhaafo kooxda Valencia oo marti ugu aheyd gegiga Old Trafford.

Labada koox ayaa sameeyay dhawr fursadood oo guulkaa laakiin ma suuragalin inuu cayaarta ka dhasho gool kooxaha ayaana ku heshiiyay inay wadaagaan dhincaba dheeshan.

Natiijada cayaartan ayay ka dhigan tahay in Manchester United aysan wax guula gaarin afartii kulan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close