Maxay ka dhigan tahay SADDEXLEYDA uu Dybala Caawa u dhaliyay Juventus tartanka Champions League??

(Italy) 02 Okt 2018. Juventus oo Ronaldo la’aantiis si sharaf leh uga adkaatay naadiga Young Boys kulankoodii labaad ee wareega Group yada Champions League.

Laacibka reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa wada dhaliyay Saddexda gool ay Juve uga adkaatay kooxda yar.

Opta ayaa sheegeysa in SADDEXLEYDA Dybala ay ka dhigan tahay inuu noqday laacibkii 4-aad ee kooxda reer Talyaani u dhaliya hat-trick tartanka Champions League kaddib Filippo Inzaghi (2-jeer), Alessandro Del Piero iyo Arturo Vidal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close