Manchester City oo Waqti Dambe guul Muhiima ka gaartay kooxda Hoffenheim

( Champ’ League ) 02 Okt 2018. Manchester City ayaa nafle caari guul kaga gaartay kooxda reer Germany ee Hoffenheim oo ay ku martiyeen kulankooda labaad ee heerka group-yada koobka Champions league Markii ay kaga badiyeen 2-1.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-1, iyadoo labada koox ay soo bandhigeen kubbad qurux badan.

Wax ka yar daqiiqad ayay hogaanka dheesha ku qabatay kooxda Hoffenheim markii laacibkooda Ishak Belfodil uu goolka gaaray markii cayaartu socotay 45 Sikin.

Balse City ayaa si deg deg ah kaga jawaabay goolka looga naxsaday markii goolka bareejada ay la yimaadeen daqiiqadii 8-aad.

Inkastoo ay weerar joogtaa ku heysay goolka kooxda Guriga balse dheesha ayaa ugu dambeyn la kala maray qeynteeda kowaad.

Dib markii loogu soo laabtay Manchester City ayaa abuurtay kubbad dhinac walbaa weerar ka ah oo ay ku doonayeen iney helaan goolka cayaartan.

Dheesha oo mareysa daqiiqadii 87-aad David Silva ayaa u suuragaliyay guusha kulanka kooxdiisa markii uu ka faa’iiday kubbad uu ka dafay daafaca Hoffenheim darbar xoogana ku hubsaday goolka.

Guushaan ayaa muhiin u aheyd kooxda Guardiola oo dheeshii hore guuldarro garoonkeeda kala kulantay kooxda Lyon cayaaraha Champions Leageu,

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close