Man United vs Valencia: Kulanka oo daqiiqado kooban dib loo dhigay! (Ogoow sababta)

(Manchester) 02 OKt 2018 Manchester United ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadaysa kooxda Valencia kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League.

Sida ay xaqiijisay kooxda Manchester United, kulanka ayaa daqiiqado kooban dib uga dhici doona waqtigii la qorsheeyay inuu bilowdo.

Ciriiri aad u daran ayaa ka jira magaalada Manchester, sababtaas darteed ayeey kooxdu u codsatay in kulanka dib loo dhigo kaliya waqti dhan 5-daqiiqo.

Ciyaarta ayaa bilaaban lahayd 10-ka habeenimo ee bariga Afrika, laakiin haatan waxaa loo badalay 10:05 PM.

Baska siday ciyaartoyda ayaa ka soo dib dhacay waqtigii la qorsheeyay inuu yimaado garoonka ciriiri daran oo ka jira wadooyinka magaalada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close