“Maalmaha Mourinho ee Manchester United waa kuwo kooban” – Jamie Carragher!

(Manchester) 02 Okt 2018 Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ka hadlay mustaqbalka Mourinho ee Manchester United.

Jamie Carragher ayaa sheegay in waqtiga Mourinho ee Manchester United uu yahay mid iska kooban kadib waraysigii uu bixiyay ka hor kulanka Valencia.

Wuxuu sheegay inuu go’ay xiriirka kala dhexeeya ciyaartoyda Manchester United, wuxuuna saadaaliyay in waqti kooban kadib uu ka tagi doono United.

Image result for Jamie Carragher Mourinho

“Marka aad fiiriso waraysiyadiisa, waxaa si buuxda looga fahmayaa inuu xakamayn la’yahay qolka labiska ee Manchester United” ayuu yiri Jamie Carragher.

“Marwalba Mourinho wuxuu si ku talo gal ah u beegsadaa xiddig kamid ah kooxdiisa dhamaan kooxihii uu soo tababaray, tusaale ahaan dagaalkii uu la galay Iker Casillas iyo Ramos waqtigiisii Real Madrid, dagaalkii uu la galay Eden Hazard iyo haatan oo ay is haayaan Pogba”.

“Haddii aan joogi lahaa booska maamulka Man United waxaan is waydiin lahaa “Suurogal ma tahay inaan sii haysto tababare caraysan oo burburinaya ciyaartoyda mise waxaan iska fasaxaa ciyaartoy dhawr ah sida Pogba, Sanchez iyo Martial”.

“Dhab ahaan waa wax aan macquul ahayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close