HORDHAC: Manchester United v Valencia

( Champ’ League ) 02 Okt 2018. Manchester United ayaa marti qaadi doonta dhigeeda Valencia kulamada labaad ee heerka Group-ka koobka Champions League.

Naadiga Mourinho ayaa ku jirta waaya xun seddaxdii kulan ee ugu dambeyay inkastoo guul weyn ay ku daah furatay tarankan kulankii ay wajaheen kooxda Young Bosy.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Slavko Vincic ( Slovenia )

Garoonka: Old Trafford

Wararka Labada Koox

Jesse Lingard, Ashley Young iyo Ander Herrera ayaa seegi doona kulankan Manchester United ay koobka Champions League la cayaareyso dhigeeda Valencia madaama ay qabaan dhaawacyo.

Young ayaa kabtan ahaa kulankii Sabtida ay guuldarrada kala kulmeen West Ham halka Herrera iyo Lingard aysan cayaarin dheeshaas.

Daafaca Marcos Rojo, kasoo weli aan cayaarin xagaagan, ayaa sido kale dhaawac ah.

United waa hogaamiyaasha Group H kaddib markii ay garaaceen Young Boys kulankoodii furitaanka tartankana laakiin ma aysan adkaanin seddaxdii kulan ee dambe tan iyo guushaas.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Manchester United ayaa qasaartay mar kaliya siddeedii kulan ay hore ula kulantay Valencia dhammaan tartamada ( 2 Guula, iyo 5 Barbaro ), iyagoo marnaba guuldarro kala kulamin koobka Champions League ( 6 kulan ayay cayaareen , 2 guul, 4 barbaro ), waana markii horreysay oo ay koobkan ku kulmaan tan iyo December 2010, markasoo barbaro 1-1 ay ku galeen garoonka Old Trafford.

Valencia ayaa guuleysatay kulan qura 10 cayaar oo ay booqatay kooxaha England koobka Champions League ( 6 Barbaro, iyo 3 guuldarro ), guusha kaliya waxay  1-0 kaga adkaadeen Liverpool cayaar ka dhacday Gegida Anfield bishii October 2002.

Manchester United kuma aysan qasaar si xariira garoonkeeda kulamada Champions League tan iyo bishii March 2013, markaa uu kooxda maamulayay Sir Alex Ferguson.

Manchester United ayaa hal kulan guuldareysatay 18koodii cayaar ee ugu dambeysay Champions League kulamada group-ka ay ku dheeshay garoonkeeda Old Trafford ( 12 guul, iyo 5 barbaro), guuldarrada kaliya waxay kasoo gaartay kooxda CFR Cluj cayaar ku idlaatay 1-0 oo dhacday bishii December 2012. Tan iyo guuldaradaas waxay garoonkooda ku badiyeen siddeed kamida sagaalkii kulan ee ugu dambeysay.

Leyliyaha Manchester United Jose Mourinho ayaa marnaba guuldarro kala kulmin Valencia 10 cayaar uu la dheeshay dhammaan tartamada ( 6 guul, iyo 4 barbaro), waxaana kamida kulamadaas cayaar ay uga gudbeen 3-2 wadar gooleeda wareega siddeed dhamaadka koobka Champions League xagaagii 2006-07 markaa uu macalin u ahaa kooxda Chelsea.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close