HORDHAC: Hoffenheim v Manchester City

( Champ’ League ) 02 Okt 2018. Manchester City ayaa la cayaari doonta kulankeeda labaad ee koobka Champions League heerka group-ka dhigeeda Hoffenheim.

City ayaa guuldarro ku furtay koobkan markii qasaaro 2-1 ay kala kulmeen kooxda reer France ee Olympique Lyon.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 07:55 pm ( SGA )

Garsooraha: Damir Skomina ( Slovenia )

Garoonka: Rhein Neckar Arena

Wararka Labada koox

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa taam u ah inuu cayaaro kulanka Hoffenheim ay caawa la cayaarayaan koobkan Champions League.

Dhaliyahan ayaa laga saaray kulankii ay 2-0 uga badiyeen Brighton Sabtidii laakiin waa mid xaaladiisu hagaag tahay markii uu qeyb ka noqday tababarka.

Xiddiga qadka dhexe Kevin de Bruyne ayaa kusoo laabtay tababarka asbuucan laakiin weli waa mid ka kabanaya dhaawab jiliblaa oo soo gaaray bishii August balse ma cayaarayo.

Claudio Bravo, Fabian Delph iyo Eliaquim Mangala ayaa dhaawacan, halka Benjamin Mendy uu sido kale shaki ku jiro.

Hoffenheim ayaa la filayaa inuu ka maqnaado kabtankooda Kevin Vogt sababo la xariira dhaawac bowdadaa, si lamida daafacyada  Ermin Bicakcic iyo Havard Nordtveit ayaa iyaguna seegaya cayaartan.

Seddaxda laacib ee aan waaya araga aheyn ee Stefan Posch, Kevin Akpoguma iyo Justin Hoogma ayaa la filayaa inay badalaan.

Xaqiiqooyina Dheeshan

Tani waa kulankii ugu horreyay ee dhexmara kooxaha Hoffenheim and Manchester City.

Hoffenheim marka kaliya oo ay la kulantay koox England ah, waxay ku guuldareysteen 6-3 wadar gooleed. Naadiga Liverpool ayaa kaga soo baxday kulamadii play-off ee koobka loogu soo baxayay.

Manchester City waa guuldarro la’aan shantii cayaar ee u dambeysay oo ay la kulantay kooxaha German koobka Champions League (4 guul, iyo 1 barbaro ) tan iyo qasaaro 1-0 oo kasoo gaartay Bayern Munich bsihii September 2014. Guardiola ayaa xiligaa maamulayay kooxda Bayern.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee England ah ee qasaartay afar kulan xariira koobka Champions League taariikhda.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close