Gerard Pique iyo Lionel Messi oo isku dhacsan! (Ogoow sababta keentay isku dhacooda)

(Barcelona) 02 Okt 2018 Xiriirka Gerard Pique iyo Lionel Messi ayaa ku sii socda meel aan fiicnayn kadib natiijooyinkii liitay ee Barcelona ay soo bandhigtay 2-dii isbuuc ee la soo dhaafay.

El Chiringuito ayaa daaha ka qaaday inuu jiro isku dhac aan qarsoonayn oo u dhexeeya Gerard Pique iyo kabtankiisa Lionel Messi isbuucyadii u danbeeyay.

Pique ayaa ku eedeeynaya Messi inuusan la hadlin saxaafada marka kooxdu ay guul daraysato ama ay soo bandhigto natiijooyin aan fiicnayn xili uu yahay kabtanka kooxda.

Image result for Messi Pique

Wuxuuna rumaysan yahay in marka Argentina ay ciyaarto natiijo walba oo ay soo bandhigto inuu la hadlo saxaafada, wuxuuna is waydiinayaa sababta uusan saxaafada ula hadlin marka Barcelona ay guul daraysato isaga oo ah kabtanka kooxda.

Laakiin Messi ayaa dhankiisa ku tuhunsan Gerard Pique iyo asxaabtiisa kale ee kooxda u qaabilsan dhanka difaaca inay iska jiifaan xiliciyaareed kaan oo kooxda laga dhalinayo goolal kulan walba.

Qolka labiska ee Barcelona waxaa ka jira xurguf iyo dood gaar ah oo u dhexeysa labadaan laacib oo ku soo wada barbaaray akadeemiyada kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close