“Dib ugu laabashada Messi ee xulka Argantina waxay farxad u tahay Barcelona”- Valverde

(Barcelona) 02 Okt 2018. Tababaraha reer Spain Ernesto Valverde ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay dib ugu laabashada Lionel Messi ee xulka qaranka, kadib markii uu in mudo ah go’aansaday inuu ka fogaado u ciyaarista xulka qaranka Argantina

Xulka qaranka Argantina ayaa ku soo haray wareega 16-ka koobka aduunka 2018, wuxuuna Lionel Messi ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah uu kaga maqnaan doono xulka Tango.

inkastoo ay fursad muhiim ah u tahay kooxda Barcelona in Messi uu ka maqnaado kooxda Barcelona, hadana Valverde  ayaa ka warbixiyay muhiimada ay leedahay Lio inuu dib ugu laabto xulka Tango.

“Lionel Messi wuxuu dareemi doonaa raaxo hadii uusan u ciyaarin xulka Argantina, laakiin waan ka war qabnaa inuu doonayo inuu u ciyaaro, warka ugu fiican ee Barcelona ayaa ah in Messi uu u ciyaaro Argentina”.

“Waxaan dooneynaa in Messi wax walba ay ugu socdaan sida ugu fiican, Barcelona waxay rajeeneysaa in sidaas ay dhacdo, waxaan dooneynaa in si fiican uu u shaqeeyo meel walba uu joogo, sidoo kale wuxuu doonayaa inuu shaqeeyo saacado badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close