Chelsea oo heshiis cusub ka saxiixaysa David Luiz

(London) 02 Okt 2018 Chelsea ayaa wadahadal la furaysa daafaca reer Brazil ee David Luiz si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Qandaraaska David Luiz ee Chelsea ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna soo bandhigayaa qaab ciyaareed fiican tan iyo markii uu kooxda qabtay tababare Sarri.

Image result for David Luiz Sarri

Evening Standard ayaa sheegtay in maamulka Chelsea ay qorshaynayaan inay ka saxiixaan David Luiz hal sano oo dheeri ah taas oo ka dhigan inuu la sii joogi doono ilaa 2020.

Chelsea ayaa isku dayday inay iska iibiso David Luiz waqtigii tababare Antonio Conte maadaama ay aad isugu dheceen, wuxuuna ka soo muuqday Blues 2-dii sano ee uu joogay Conte kaliya 16-kulan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close