Adrien Rabiot oo markale niyad jabiyay kooxdiisa PSG

(Paris) 02 Okt 2018 Laacibka qadka dhexe ee xulka France iyo kooxda PSG ee Adrien Rabiot ayaa markale niyad jabiyay maamulka kooxdiisa.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Adrien Rabiot uu markale iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa PSG ka hor suuqa Janaayo.

PSG ayaa hordhigtay Adrien Rabiot heshiis cusub oo uu sanadkii ku qaadanayo mushaar dhan 7.2 milyan oo euro iyo waliba lacag kale oo dheeri ah oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa, balse waa uu diiday.

Kadib diidida Adrien Rabiot inuu saxiixo heshiis kaan cusub ayaa ka dhigaysa inay soo dhawdahay waqtigii uu ka tagi lahaa PSG.

Qandaraaskiisa ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, PSG ayaa ku qasban inay iska iibiso suuqa Janaayo si uusan uga tagin qaab bilaash ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close