Sheekada Mourinho iyo Pogba oo gaartay heer xitaa…..+SAWIRRO

(Manchester) 01 Okt 2018. Sheekada Jose Mourinho iyo Paul Pogba ayaa barakamaleey isla gaartay oo xitaa waxay marayaan in salaanta la isla hareer maro.

Jose ayaa wax ka sheegay bandhiga Pogba kulankii ay bar baraha 1-1 Old Trafford kula galeen Wolverhampton, laacibka ayaa isna qaab dadban ugu jawaabay Jose isagoo wax ka sheegay qaab ciyaareedkiisa daafaca ku dhisan.

Pogba ayaa sidoo kale mar wax laga waydiiyay bandhiga Man United kulankii ay guul darada 3-1 kala kulmeen West Ham ku jawaabay ‘Ma inaan dhinto ayaad dooneysaa’ isagoona dab ku sii shiday dagaalka kala dhexeeya macalinka reer Portugal.

Tababarkii saakay ee Manchester United ayaa la arkayay Pogba oo salaan saf kala maray xiddigaha kooxda iyo waliba shaqaalaha goobta joogay balse la hareer maraya Mourinho.

SAWIRRO:

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close