Real Madrid oo qayb ka noqotay kooxaha doonaya saxiixa Aaron Ramsey

(Madrid) 01 Okt 2018 Real Madrid ayaa qayb ka noqotay kooxaha xiisaynaya saxiixa xiddiga Arsenal ee Aaron Ramsey sida ay baahisay The Sun.

Qandaraaska Aaron Ramsey ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana gabi ahaanba burburay wadahadaladii heshiis kordhintiisa.

Image result for Aaron Ramsey

Arsenal ayaa qorshaynaysa inay iska iibiso Aaron Ramsey suuqa Janaayo si uusan qaab bilaash ah uga tagin kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Real Madrid ayaa fursad fiican u aragta saxiixa Aaron Ramsey, balse waxay loolan adag kala kulmaysaa kooxaha AC.Milan, Liverpool iyo Juventus.

Waxaa kale oo jira warar Aaron Ramsey la xiriirinaya kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo isku dayay saxiixiisa suuqii xaggaaga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close