Nemanja Matic oo difaacay tababare Jose Mourinho ka dib guuldaradii West Ham United

(Manchester) 01 Okt 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Nemanja Matic ayaa difaacay tababare Jose Mourinho ka dib guuldaradii Red Devils ka soo gaartay West Ham United kulankii Premier League.

Manchester United ayaa ku bilaabatay xiliciyaareed kaan qaab liita, taasoo keentay in mustaqbalka Jose Mourinho ee kooxda Manchester United uu mugdi xoogan soo galo.

“Waxaan wadaageynaa mas’uuliyada tababaraha, ciyaartoyda khibrad badan ayaa saaran mas’uuliyad weyn, sababtoo ah waxaan rajeyneynaa inaan hogaamino kooxda”.

“Waxaan ku dhawaaqayaa inaanan si fiican u ciyaarin, waxaan isku dayi doonaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan aan kusoo bandhigno waxa ugu fiican”.

“Waa inaan sameynaa wax walba oo aan sameyn karno si aan ugu faraxno jamaahiirta, berrito waxaan heysanaa fursad weyn oo aan sidaas ku sameyn karno”.

Si kastaba Manchester United ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonta kooxda Valencia garoonka Old Trafford, si ay u wada ciyaaraan wareega laabaad Group H ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close