Mohamed Salah oo lagu arkay Hotel-ka Mourinho uu ka dagan yahay magaalada Manchester! (Muxuu ka doonay?)

(Manchester) 01 Okt 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu arkay hotel-ka uu magaalada Manchester ka dagan yahay tababare Jose Mourinho.

Salah ayaa saaka booqasho ku tagay Lowry Hotel oo ah hotel-ka uu dagan yahay tababarihiisii hore ee Mourinho tan 2016 markaas oo uu qabtay shaqada Manchester United.

محمد صلاح نجم ليفربول

Sida ay baahisay Mirror, Salah uma tagin Lowry Hotel inuu si gaar ah ula kulmo Jose Mourinho, balse wuxuu u tagay halkaas inuu la kulmo asxaabtiisa gaarka ah sida Ramadan Sobhi oo u ciyaara kooxda Huddersfield Town.

Mohamed Salah ayaa qaab liita ku bilowday xiliciyaareed kaan, waxaana xusid mudan inuu dhawr jeer ka carooday badal uu ku sameeyay tababare Klopp xiliciyaareed kaan bilowga ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close