Mohamed Salah kuma faraxsana qaab ciyaareedkiisa xili ciyaareedkan”… Jurgen Klopp

(Liverpool) 01 Okt 2018. Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in xidigiisii Mohamed Salah uusan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedkiisa xili ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa kusoo bilaawday kulankii Chelsea ee sabtidii lasoo dhaafay kahor inta uusan badal ku bixin daqiiqadii 66-aad, waxaana lagu badalay Xherdan Shaqiri.

Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyay dareenka haatan ee Mohamed Salah ayaa sheegay in uusan farxsaneen Salah.

“Dabcan, Mohamed Salah kuma faraxsana naftiisa, sidee buu noqon karaa?”.

“Waa xaalad caadi ah, sidaasi darteed waxaan halkan u joogaa tababare ahaan, waana ka wada hadli doonaa xaaladan”.

“Dhamaadka xili ciyaareedka dadka waxay ka raali galin doonaan hadaladii ay ka sheegeen Mohamed Salah, wax walba way fiicnaan doonaan”.

“Dabcan Salah wuxuu ku soo laaban doonaa wadada gooldhalinta, xili ciyaareedka wali waa uu fog yahay, kaliya haatan waxaan soo ciyaarnay kaliya 7 kulan, shaqo fiican ayuu ka qabtaa tababarka, kaliya wuxuu u baahan yahay nasiib yar”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close