Mkhitaryan oo sabab la yaab leh uga maqnaanaya kulanka Arsenal ee Europa League!!

(London) 01 Okt 2018 Laacibka kooxda Arsenal ee Henrikh Mkhitaryan ayaa diiday inuu kooxdiisa ula safro dalka Azerbaijan khamiista.

Arsenal ayaa Azerbaijan u safraysa khamiista si ay halkaas ugu la soo ciyaarto kooxda Qarabag FK kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Europa League.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in Mkhitaryan uu ku wargaliyay Arsenal inuusan u safri karin dalka Azerbaijan sababo la xiriira dhanka amnigiisa.

Image result for Mkhitaryan Azerbaijan

Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa si xun isugu dhacsan, dagaal iyo rabshado ayaa xuduuda ku dhex maray, dowlada Azerbaijan ayaana dalkeeda ka mamnuucday dadka ka soo jeeda dalka Armenia.

Arsenal ayaa aqbashay codsiga Mkhitaryan ee ah inuusan kooxda ula safrin dalka Azerbaijan maadaama uu u baqayo amaankiisa.

Mkhitaryan ayaana sidaas ku seegaya kulanka Europa League ee Arsenal ay u martin doonto kooxda Qarabag FK.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close