Maradona oo ku la taliyay Messi inuusan dib ugu soo laaban xulka Argentina

(Buenos Aires) 01 Okt 2018 Halyeeyga reer Argentina ee Diego Maradona ayaa talo muhiim ah siiyay kabtanka xulka ee Lionel Messi.

Maradona ayaa u sheegay Messi inuusan dib dambe ugu soo laaban xulka maadaama la joogo waqtigii uu qaadan lahaa nasiino badan.

Wuxuu intaa ku daray in Messi loo saarinayo masuuliyada xitaa haddii xiddigaha xulka Argentina ee 15-jiarada ah ay guul daro soo gaarto.

Maradona oo taladaan siinayay Messi ayaa yiri:

“Waxaan ku la talinayaa Messi inuusan dib ugu soo laaban Xulka, waayo isaga ayaa qaadaya masuuliyada wax walba xitaa haddii ay guul daraystaan xiddigaha xulka ee da’doodu ka yartahay 15-sano”.

“Dhab ahaan waxaa la joogaa waqtigii Messi uu ku noolaan lahaa si daganaan ah iyo inaan aragno haddii uu jiro shaqsi kale oo qaadi kara masuuliyada xulka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close