“Kuma bixin doono 200 milyan oo euros, si aan ula soo saxiixano….” Pep Guardiola

(Manchester) 01 Okt 2018. Tababare Pep Guardiola ayaa ka jawaabay su’aallo ku saabsan suurtogalnimada Manchester City ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka reer France Kylian Mbappé.

Waxaa jiray warar ku aadan in kooxda Manchester City ay si aad ah u xiiseenayo ay kula soo saxiixato Kylian Mbappé aduun dhan 200 milyan oo euros.

Si kastaba Pep Guardiola ayaa caawa oo isniin kasoo muuqday shir jaraa’id wuxuuna kaga hadlay kulanka ay habeen dambe kula ciyaari doonaan kooxda Hoffenheim Champions League iyo in Mbappé ay kula soo wareegayaan qiimaha kor ku xusan.

“Ma dhici doonto arintan, Paris Saint-Germain kama iibin doonto ciyaartoy noocaan oo kale ah koox kasta sanadaha soo socda”.

“Manchester City kuma qarashgareyn doonto lacagta uu Mbappé u qalmo, ciyaaryahanka ma imaan doono halkan mana ku badal doono Raheem Sterling ama ciyaaryahan kale weyn ee ku sugan Sky Blues”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close