Kahor kulanka ay Barcelona kula ciyaari doonaan Champions League Pochettino oo si weyn u amaanay Valverde iyo Messi

(Champions League) 01 Okt 2018. Jamaahiirta kubada cagta ayaa sugaya daawashada kulanka la wada sugayo ay wada ku wada ciyaari doonaan kooxaha Tottenham Hotspur iyo Barcelona tartanka Champions League.

Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur ee Marcio Puccitino ayaa ka hadlay kulanka Champions League ay Arbacada soo aadan kula ciyaari doonaan kooxda Barcelona Wembley Stadium.

“Barcelona waa koox weyn, waa koox kabtanka hogaaminaya uu yahay Lionel Messi kaasoo ah ciyaaryahanka ugu fiican aduunka, isla markaana ay ka garbo ciyaarayaan xidigaha ugu fiican kubada cagta”.

“Kulanka aan la ciyaari doono kooxda Barcelona, wuxuu dhiiragalin u noqonayaa dhamaantayada”.

“Kadib bixitaankii Xavi iyo Iniesta Valverde wuxuu qabtay shaqo aad u wanaagsan, wuxuu sameeyay isbadal badan, lakiin waxa uu heystey nuxurka kooxda Barcelona”.

“Waxaan xiiso weyn u qabnaa inaan ka badino kooxda Barcelona, guusha xili kasta waxay leedahay dareen aad u wanaagsan, kaba sii daran marka aad guul ka gaarto Barcelona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close