Jose Mourinho oo la waydiiyay su’aalihii ugu adkaa ka hor kulanka Valencia! (Wicitaankii Zidane, xiriirka Ed Woodward iyo qatarta ay ku jirto shaqadiisa)!!

(Manchester) 01 Okt 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Valencia.

Manchester United oo guul daro ay ka soo gaartay West Ham United sabtigii ayaa habeen dambe marti qaadaysa Valencia.

Su’aalihii la waydiiyay intii uu socday shirka jaraa’id ee ka hor kulanka oo aan idiinka soo xulnay kuwii ugu xiisaha badnaa:

1: Ma la hadashay Ed Woodward tan iyo sabtigii?

“Kaasi waa arin gaar ah, waayo anigu idinma waydiiyo dadka aad la hadashaan ileen waa wax gaar ah”.

2: Ma saxbaa in Zidane uu ku la soo xiriiray?

“Su’aashaas waydii ninka kaa danbeeya (Saxafigii qoray warkaas) waayo isaga ayaa qoray sheekadaas”.

3: Shaqadaadu qatar miyeey ku jirtaa haddii aadan soo bandhigin natiijooyin fiican?

“Maya, ma u malaynayo taas”.

4: Dhibaatada haatan ku haysata ma tii ugu adkayd ee ku soo marta xirfadaada?

“Ma garanayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close