Allegri oo soo saaray liiska xidigaha Juventus ee kaga qeyb galaya kulanka Young Boys ee tartanka Champions League

(Juventus) 01 Okt 2018.Tababare Massimiliano Allegri ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Juventus ee kaga qeyb galaya kulanka Young Boys wareega labaadka Group H ee tartanka Champions League.

Waxaa liiskan uu soo saaray Massimiliano Allegri dib ugu soo laabtay Sami Khedira, kadib markii uu tababarka maanta si buuxda kagala qeyb qaatay saaxiibadiis bianconeri.

Laakiin waxaa kulanka Young Boys ee tartanka Champions League seegi doonaa Cristiano Ronaldo oo sababa la xiriira kaarkii roosaha uu qaatay kulankii Valencia ku seegi doonaa kaliya hal kulan, waxaa sidoo kale ka maqnaan doono kulanka Mattia De Sciglio sababa la xiriira dhawac:

Hadaba xidigaha ku soo baxay liiskan ayaa kala ah:

Goolhaayaasha: Szczęsny, Pinsoglio, Mattia Perin.

Difaacyada: Chiellini, Benatia, Alex Sandro, Bonucci, Barzagli, Rugani, Cancelo.

Khadka Dhexe: Pjanić, Khedira, Matuidi, Emre Can, Bentancur.

Weerarkiisa: Paulo Dybala, Cuadrado, Mandžukić, Moise Kean, Bernardeschi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close