Steven Gerrard oo ka warbixiyay waxa ka maqan kooxda Liverpool si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League

(Liverpool) 30 Sab 2018. Ciyaaryahankii hore kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa ka warbixiyay waxa ka maqan Reds si ay ugu guuleysato xili ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan 2018/2019 kaga bilaabatay si adag horyaalka Premier League, kadib markii ay sameeyeen saxiixyo muhiim ah suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

“Waxaan qabaa in Liverpool ay ka harsan tahay khibrada oo kaliya si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League”.

“Kooxda Liverpool ee haatan waxay ka fiican tahay kooxdii aan qeybta ka ahaa, marka aan ku dhawaano inaan ku guuleysano Premier League, waxaan dareemi jiray inay wax uun inaga maqan yihiin”.

“Laakiin kooxda haatan ee Liverpool waxaan filayaa inaysan jirin wax ka dhiman si ay ugu guuleysato Premier League kaliya aanan ka ahayn khibrad”.

Si kastaba kooxda Liverpool ayaa ku hogaamineysa horyaalka Premier League 19 dhibcood waxayna kala siman tahay Manchester City oo iyadana ku dhibco ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close