Mourinho oo mar dhow laga ceyrinayo Manchester United…(Ogoow Goorta)

(Manchester) 30 Sab 2018. Manchester United ayaa ku bilaabatay sidii ugu xumeyd 29 sano kaddib horyaalka Premier League iyadoona 9-dhibcood u jirta kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City.

Shaqaalaha Man United ayaa aaminsan in Jose Mourinho kooxda laga cayrin doono dhammaadka usbuucan.

Red Devils ayaa guul darro fool xun sabtidii kala kulantay West Ham oo 3-1 ku martay taa oo ka dhigan bilowgeedii ugu xumaa Premier League 29 sano kaddib.

Manchester United staff believe Jose Mourinho could be sacked by the end of this week

Shaqaalaha iyo Ciyaartoyda Manchester United ayaa ka wada hadalayay suurogalnimada uu Jose shaqadiisa ku wayn karo markii ay dib uga soo laabanayeen London kaddib guul daradii Hammers.

Waxayna aaminsan yihiin in goor dhow la ceyrin doono macallinka reer Portugal waliba dhammaadka usbuucan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close