Mido oo fariin u diray shaqsiyaadka dhaliilsan qaab ciyaareedka Mohamed Salah

(Liverpool) 30 Sab 2018. Ahmed Hossam Mido ayaa amaanay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Liverpool Mohamed Salah, kadib qaab ciyaareedka uu kaga soo muuqday kulankii Cheslsea.

Mido ayaa bogiisa Twitter-ka fariin qoraaleed uu ku soo qoray wuxuu ku difaacay qaab ciyaareedka Mohamed Salah, kadib markii uu xili ciyaareedkan la kulmay eedeymo kala duwan.

“Waxaan si daacad ah u aaminsanahay in Mohammed Salah uu shaqo fiican qabtay”.

“Waa run inuusan ku guuleysan inuu go’aan ku gaaro gudaha garoonka, laakiin ma uusan joojin isku dayadii uu sameyn jiray, wali wuxuu u dagaalamayaa si adag”.

Dhinaca kale Ahmed Hossam Mido ayaa wuxuu fariin u diray shaqsiyaadka dhaliilsan qaab ciyaareedka Mohamed Salah “Dulqaad yeesha Salah wuu ka gudbi doonaa xaaladan adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close