Maxay tahay sababta uu Ronaldo u diiday dalabyadii uu ka helay kooxaha PSG iyo Man United?

(Juventus) 30 Sab 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sababaha ku dhiiragalisay Cristiano Ronaldo inuu iska diido dhamaan dalabyadii kale uu helay, kadib markii uu go’aansaday inuu ka tago kooxda Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa dalabyo kala duwan ka helay kooxaha Manchester United, Milan iyo Paris St Germain, laakiin kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa wuxuu ka doorbiday inuu u dhaqaaqo kooxda Juventus.

Wargeyska ayaa sheegay in dalabka koowaad uu helay Cristiano Ronaldo inuu kaga yimid kooxda Milan, waxayna diyaar u ahaayeen inay bixiyaan aduun dhan 150 million euros, balse Ronaldo ayaa iska diiday u dhaqaaqista kooxda Rossoneri sabab la xiriira qaab ciyaareedkooda sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna door biday inuusan halis galinin naftiisa.

Dhinaca kale Manchester United ayaa dhankeeda xiriir rasmi ah la sameesay Real Madrid si ay kaga hesho Cristiano Ronaldo, balse caqabada hor istaagtay heshiiska ayaa ahaa in dalabka Red Devils uu ahaa mid hoose.

Ugu dambeyn Paris Saint-Germain ayaa iyagana la xiriiray Jorge Mendes oo ah wakiilka Ronaldo si ay ugu qanciyaan imaatinkiisa Parc des Princes, laakiin PSG ayaa heshiiska shuruud kaga dhigtay in la dhameystiro maalinta ugu dambeysa ee suuqa, si aysa Real Madrid ula saxiixan midkood xidigaha Neymar iyo Mbappé, sidaas darteed Ronaldo ayaa go’aansaday inuu iska diido dalabka saddexaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close