Lopetegui oo ku dhawaaqay liiska xidigaha Real Madrid kulanka CSKA Moscow ee tartanka Champions League

(Real Madrid) 30 Sab 2018.Tababare Julen Lopetegui ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha Real Madrid uu ula safri doono kulanka CSKA Moscow Group G ee tartanka Champions League, kaasoo labada kooxood wada ciyaari doonaan Talaadada soo aadan.

Waxaa liiskan ka maqan, kabtanka kooxda Sergio Ramo, sidoo kale saddexda xidig kala ah Marcelo, Isco iyo Bale, laakiin waxaa markale dib u soo laabtay Álvaro Odriozola.

Kulan dhex mari doona Real Madrid iyo CSKA Moscow ayaa dhici doona habeenka Talaadada soo aadan waana wareega labaad Group G taranka Champions League ee 2018/2019.

Hadaba xidigaha liiskan ku soo baxay ayaa kala ah:

Goolhaayaasha: Keylor Navas, Thibaut Courtois, Kiko Casilla

Difaacyada: Jesús Vallejo, Raphaël Varane, Nacho, Reguilón, Dani Carvajal, Odriozola.

Khadka Dhexe: Luka Modrić, Casemiro, Marcos Llorente, Marco Asensio, Toni Kroos, Daniel Ceballos, Valverde.

Weerarka:  Karim Benzema, Lucas Vazquez, Mariano Díaz, Vinicius Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close