“Lionel Messi ma awoodo inuu ka tago xulka qaranka Argantina”… Riquelme

(Argantina) 30 Sab 2018. Ciyaaryahankii hore xulka qaranka Argantina ee Juan Román Riquelme ayaa aaminsan in xiddiga ay isku wadanka yihiin iyo kooxda Barcelona Lionel Messi uusan ka tagi doonin xulka Tango isla markaana uu dib ugu soo laaban doono xili dhow ama xili fogba.

Messi ayaa go’aansaday inuu joojiyo u ciyaarista xulka qaranka Argantina in mudo ah, kadib guuldaradii kaga soo gaartay xulka France wareega 16-ka koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

Laakiin Juan Román Riquelme ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mondo Deportivo” wuxuu kaga warbixiyay in Messi uu markale dib ugu soo laaban doono xulka qaranka Argantina.

“Lionel Messi markale ayuu u ciyaari doonaa xulka qaranka Argentina, shaki kuma jiro, sababtoo ah wuxuu jecel yahay inuu xirto maaliyada Tango”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close