Kabtankii hore kooxda Manchester United Gary Neville oo si weyn u difaacay Jose Mourinho

(Manchester) 30 Sab 2018. Kabtankii hore ee kooxda Manchester United ee Gary Neville, ayaa ku xaqiijiyay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka in tababare Jose Mourinho uusan wax qalad ah ku lahayn dhibaatooyinka haatan ee Red Devils.

Manchester United ayaa ku gudi jirta xaalad aad u adag, waxaana xili ciyaareedkan lagu tilmaami karaa inuu yahay mid ka mid ah xili ciyaareedyadii ugu xumaa taariikhda ee United-ka, balse Gary Neville ayaa iska diiday in Mourinho uu wax qalad ah ku leeyahay.

“Dhibaatada haatan ee kooxda ma ahan wax ku saabsan tababare Jose Mourinho, laakiin fowdada ay soo bilaabatay xiligii David Moyes 8 bilood kadib marka uu la wareegay shaqada tababarka ee kooxda”.

“Dhibaatada jirta kuma xirna macalinka, laakiin maamulka sare ee kooxda ayaa waxay sameeyeen waxyaabo badan laakiin qorshe la’aan ah”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close