Iska iloow Pogba, Mourinho oo isku diyaarinaya inuu ka maarmo adeega xidig kale ee ku sugan Manchester United

(Manchester) 30 Sab 2018. Macalinka koxoda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu qorsheenayaa inuu kooxda ka fasaxo mid kal mid ah xidigaha ku sugan Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa ka saaray Alexis Sanchez liiska ciyaartoydiisa kulankii Premier League ay guuldarada xanuunka badan ee 3-1 kala kulmeen kooxda West Ham United.

Macalinka reer Portugal ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in sababta uu Alexis Sanchez ku seegay kulankii Manchester United iyo West Ham United ay tahay sababo farsamo.

Laakiin Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha dalka England Jose Mourinho ayaan xiriir wanaagsan la lahayn wiilka xulka qaranka Chile ee Alexis Sanchez xiliyadii lasoo dhaafay.

Wargeyska “Daily Express” ee dalka England howlgalka lagu doonayo in looga maarmo Alexis Sanchez ayaa haatanba u muuqda inuu sii bilaawday, kaasoo haatan mushaar ahaan isbuucii kaga qaata £ 500,000.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close