David Luiz oo ka warbixiyay dareenkiisa kaga aadan la shaqeynta tababare Maurizio Sarri ee xili ciyaareedkan

(Chelsea) 30 Sab 2018. Difaaca reer Brazil ee David Luiz ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay la shaqeynta  macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri.

Chelsea ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay shaqada ka fasaxday Antonio Conte, si ay badal kaga dhigtaan Maurizio Sarri, waxaana gabi ahaanba xili ciyaareedkan is badalay qaab ciyaareedka kooxda Blues.

Hada difaaca reer Brazil ee David Luiz ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay la shaqeyntiisa xili ciyaareedkan ee macalinka cusub Chelsea Maurizio Sarri.

“Maurizio Sarri wuxuu ina siiyaa farxad badan si aan u ciyaarno kubada cagta, waxaan isku daynaa in xili kas ee waqtigan ah inaan ku raaxeysano kubada cagta”.

“Wuxuu ina siiyaa kalsooni badan, iyo faafaahinta kulan kasta, maalin kasta wuxuu inoo sheegaa inaan heysano shaqada ugu fiican ee aduunka isla markaana ay tahay inaan ku raaxeysano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close