Unai Emery oo si hordhac ah u shaaciyay waqtiga uu maqnaanayo Petr Cech

(London) 29 Sab 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa si hordhac ah u shaaciyay mudada uu maqnaanayo goolhaye Petr Cech.

Petr Cech ayaa is dhaawacay kulankii Arsenal ay guusha ka gaartay caawa kooxda Watford, dhaawiciisa ayaana loo arkaayay mid halis ah.

Unai Emery ayaa sheegay in Petr Cech uu la dhibtoonayo dhaawac dhanka muruqa ah, wuxuuna intaa ku daray inuu maqnaanayo 2 ilaa 3-isbuuc.

“Waxaan rumaysanahay inuu yahay dhaawac dhanka muruqa ah, laga yaabee inuu maqnaado 2 ilaa 3-isbuuc, waxaan rajaynayaa inaysan intaas ka badan, bari ayaan arki doonaa” ayuu yiri tababare Emery.

Petr Cech ayaa bari oo axad ah mari doona baaritaan dheeri ah si loo hubiyo waqtiga rasmiga ah ee uu ka maqnaanayo garoomada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close