Real iyo Atletico oo Barbaro ku heshiiyay Kulankii Derby Madrid

( La Liga ) 29 Sab 2018. Kulan cayaareedkii kooxaha caasimada Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ku dhamaaday barbaro 0-0.

Labada koox waxay soo bandhigeed qaab cayaareed wanaagsan balse midkoona uma suuragalin inuu guul gaaro.

Inkastoo laba dhinac ay sameeyeen dhawr halis oo goolkaa balse ugu dambeyn waxay wageen dhibcaha cayaarta Derby-ga.

Barbarahaan ayay ka dhigan tahay in Real Madrid ay lumisay fursad ay ku qaban laheyd hogaanka horyaalka madaama Barcelona ay kulankii cayaartay maanta uu barbaro ku dhamaaday.

Atletico Madrid ayaa dhankooda fadhiya kaalinta 4-aad waxayna lee yihiin 12 dhibcood.

Barca ayaa hogaanka haatan ku heysa dhanka farqiga goolasha inkastoo ay dhibcaha ka simayan yihiin Real Madrid waxayna wada lee yihiin min 14-dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close