Ogoow sababta dhabta ah ee galabta keydka loo dhigay Lionel Messi

(Barcelona) 29 Sab 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Valverde ayaa qaatay go’aan adag kulanka kooxdiisu ay marti qaadayso Athletic Bilbao.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday sababta dhabta ah ee Messi keydka loo dhigay kulanka galabta ee Athletic Bilbao.

Wargayska ayaa sheegay in Messi uusan qabin wax dhaawac ah ama xanuuno kale, balse tababaraha ayaa jeclaystay inuu nasiyo maadaama uu ciyaaray kulamo badan oo xiriir ah.

Valverde ayaa doonaya in Messi uu xooga saarayo kaliya kulamada Champions League, arbacada ayeey u safrayaan magaalada London oo ay kula ciyaarayaan Tottenham.

Caawiyaha Valverde oo ka hadlay keydka la dhigay Messi ayaa yiri:

“Waxaa nagu soo aadan kulamada Tottenham iyo Valencia, in la nasiyo Lionel Messi haatan waa waajib”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close