Messi oo BAXAR ku jira kadib markii uu la dagaalay garsooraha kulankii Bilbao!!

(Barcelona) 29 Sab 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa caawa la dagaalay garsooraha kulankii Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa ku fashilantay inay guul gaarto kulankii 3-aad oo xiriir ah horyaalka Spain, goor dambe ayeeyna heshay goolka barbaraha kulankii caawa.

Messi ayaa aad uga carooday go’aanada qaar ee garsoore Santiago Jaime Latre, wuxuuna dood kulul la yeeshay garsooraha dhamaadkii ciyaarta.

Garsooraha ayaana jaale siiyay Messi xili ciyaartu ay dhamaatay, taas oo ka sii caraysiiyay xiddiga reer Argentina, Messi ayaana xoog looga soo kexeeyay halkii uu joogay garsooraha.

Waa dhacdadii labaad ee Messi uu ku beegsado garsoore kadib axadii hore markaas oo uu diiday inuu gacan qaado garsooraha kulankii barbaraha ay la galeen kooxda Girona.

Haddii garsoore Santiago Jaime Latre uu dhacdadaan diiwaan galiyo waxaa suurogal ah in gudiga anshaxa ee La Liga ay tilaab ka qaadaan Messi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close