Manchester United oo taariikh xun ka diiwaan gashatay Premier League

(Manchester) 29 Sab 2018 Manchester United ayaa sii wada bilowgeeda liita ee xiliciyaareed kaan kadib guul daro ka soo gaartay West Ham United.

Kooxda tababare Mourinho ayaa ku bilaabatay bilowgii ugu xumaa ee taariikhda Premier League kadib markii ay shaqaysatay kaliya 10-dhibic 7-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan.

Xiliciyaareed kaan ayaa lamid ah kii 2013-2014 markaas oo uu tababare u ahaa David Moyes, waxayna shaqaysatay United 10-dhibic 7-dii kulan ee ugu horeeyay.

Waxaa jira isku dhacyo u dhexeeya tababare Jose Mourinho iyo ciyaartoyda qaar, waxaana hormuud ka ah cadoonka ku wajahan tababarahaan Paul Pogba.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close