HORDHAC: Juventus v Napoli

( Serie A ) 29 Sab 2018. Juventus ayaa marti galin doonta kooxda cadawtooyada ay kala dhaxeyso ee Napoli kulamada Asbuuca todobaad ee Serie A.

Bianconeri ayaa Boqobkiiba boqol qaab wanaagsan ku bilaabatay xagaagan horyaalka, waxayna maanta mari doonaan kulan tijaabo adag ah.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka : Serie A

Waqtiga: 07:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Luca Banti

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Labada koox

Paulo Dybala ayaa cayaaray kulamo xariir ah, halka Mario Mandzukic uu keydka ahaa dheeshii Frosinone.

Taas ayaa la micno ah in dhaliyaha Croatian uu dib ugu soo laabanayo booska weerarka kulankaan.

Ma jirto nasiino la filayo inuu helo Cristiano Ronaldo, kasoo seegaya kulanka Champions League ay la cayaarayaan bartamaha asbuucan kooxda Young Boys madaama uu ganaaxan yahay.

Raúl Albiol iyo José Callejón ayay suu sragal tahay inay kusoo laabtaan shaxda kowaad markii ay keydka ka daawadeen kulankii Parma.

Fabián Ruiz ayaa malaha ka cayaaraya qadka dhexe waxaana ku wehlin doona Amadou Diawara.

Dries Mertens ayaa markale keydka noqon kara waxaana dhanka weerarka uga dheelaya kooxda Carlo Anceloti xiddigaha kala ah Lorenzo Insigne iyo Arkadiusz Milik.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Juventus ayaa eegeysa in markii siddeedaad oo xariir ah ay ku guuleysato horyaalka Serie A markii ugu horreysay tan iyo xagaagii 1930/1931.

Juve ayaa kaliya ku fashilmatay inay guul dhalin weyso laba jeer oo kamida 59kii kulan ee ugu dambeyay ee garoonkeeda.

Juventus ayaa badisay 13 kamida  20kii dheel ee ugu dambeysay garoonkeeda oo ay kula cayaartay Napoli horyaalka Serie A (13 guul, 4 barbaro iyo 3 guuldarro ah ).

Napoli ayaa ku garaacday Juventus 1-0 bishii April, waxay aheyd markii ugu horreysay oo ay kooxda Partenopei garaacdo La Vecchia Signora garoonkooda tan iyo 31October , 2009 oo ay uga adkaadeen markaa (3-2)

Napoli ayaa gool dhalisay seddaxdii booqasho ee ugu dambeysay garoonka Allianz Stadium waxayna asbuucan wajahayaan iyadoo wata gooldhalin xoogan.

Napoli waa guuldarro la’aan 33 kmaida 35kii dheel oo ay marti ahaayeen.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close