HORDHAC: Barcelona v Athletic Bilbao

( La Liga ) 29 Sab 2018. Difaacayaasha horyaalka La Liga Spain ee Barcelona ayaa soo dhaweyn doonta dhigooda Athletic Bilbao kulamada todobaad ee Asbuucan horyaalka.

Barca ayaa Guuldarro xanuun badan kasoo gaartay Bartamada todobaadkii hore kooxda Leganes oo ay u martiyeen.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: La Liga

Waqtiga: 05:15 pm ( SGA )

Garsooraha: Santiago Jaime Latre

Garoonka: Camp Nou

Wararka Labada Koox

Daafaca Clement Lenglet ayaa la heli karaa kaddib ganaac uu ahaa, laakiin Ernesto Valverde ayay macquulka tahay inuu daafaca dhexe wada cayaarsiiyo Samuel Umtiti iyo Gerard Pique.

Jordi Alba iyo Luis Suarez ayaa dib ugu soo laaban doona safka kowaad markii la nasiyay kulankii Leganes.

Philippe Coutinho ayaa sii xajisan doona booskiisa qadka dhexe markii uu gool caaqiba leh uu dhaliyay kulankii u dambeeyay.

Markel Susaeta ayaa la filaa inuu si xoogan dib ugu soo laabto ninka garabka midig ka dheela ayaa ganaan ahaa kuankii lasoo dhaafay.

Aritz Aduriz ayaa suugal tahay inuu taam u noqdo kooxda martida, laakiin Inaki Williams ayaa la filyaa inuu kusoo bilaawdo weerarka.

Benat iyo Raul Garcia ayaa la dheelaya qadka dhexe, halka Iker Muniain uu isna ka duulaamayo garabka bidix ee weerarka.

Xaqiiqooyina Dheeshan

Blaugrana ayaa badisay 42 kulan iyagoo qasaaray kaliya sagaal dheel 9 oo kamida 63 cayaar oo ay la kulantay kooxda lagu naaneyso libaaxyada.

Barca ayaa gaar ahaan guul gaareysay kulamada ay garoonkeeda Camp Nou ku marti qaaday naadiga Bilbao 24, guul ayay ka gaareen 4 barbario iyo kaliya laba guuldarro ah 30 kulan oo ay ka hortagtay.

Kooxda Blaugrana ayaa ku adkaatay 2-0 kulamdii xagaagii tagay ka hortimid Atletico, iyadoo Lionel Messi uu gool dhaliyay mid kasta oo kamida cayaarahaas.

Naadiga martida wax gool ma dhalin seddaxdii kulan ee u dambeysay oo ay wajahday Barcelona.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close