HORDHAC: Arsenal v Watford

( Premier League ) 29 Sab 2018. Arsenal ayaa soo dhaweyn doonta Dhigeeda Watford kulankooda todobaad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Gunners ayaa guul gaartay afar kulan xariira kulamada horyaalka kaddib markii guuldarrooyin is xigaa ee soo gaartay labadii cayaar ee furitaanka xagaagan.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka : Premier League

Waqtiga: 05:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Anthony Taylor

Garoonka: Emirates Stadium

Wararka Labada Koox

Daafaca Arsenal Sokratis ayaa sii wadanaya bilaabashada xariirka ah ee kulan walba oo horyaalka xagaagan kaddib markii uu ka kabtay dhawaac lugtaa.

Emile Smith Rowe ayaa weli ka kabanaya dhaawac Sintaa oo soo gaaray kulankiisii ugu horreeyay uu kusoo bilaaday bartamaha asbuucii hore koobka League Cup dheeshii ay guusha ka gaareen Brentford waana la qiimeen doonaa.

Daafaca Watford Daryl Janmaat ayaa maqnaan doona lix todobaad kaddib qaliin looga sameeyay jilibka.

Christian Kabasele ayaa la helayaa kaddib casaankii uu qaatay kulankii guudarrada ee koobka League Cup kasoo gaaray Tottenham markii lagu guuleystay cafkiisa.

Troy Deeney ayaa qaadan doona Cirbado uu ku dheelo markii uu dhawwac anqawgaa kasoo gaaray kulankii barbaraha ay la galeen Fulham.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Arsenal ayaa badisay siddeed kamida 10 cayaar oo ay  Premier League la kulantay Watford, Yeelkeede, Watford laba guul oo ay gaareen waxay yimaadeen saddaxdii kulan ee ugu dambeysay.

Kooxda lagu naaneyso The Hornets ayaa sido kale guuleystay laba kamida afartii cayaar ee lasoo dhaafay oo ay booqdeen garoonka Emirates dhammaan tartamada.

Waxaa jira hal barbaro oo ay galeen labadaan kooxood kulamadooda kaddib 22 cayaar oo ay isku arkeen cayaaraha horyaalka sare: dheeshaah barbaraha ku dhamaatay ayaa aheyd cayaar 1-1 la isku mari waayay oo ka dhacday garoonkii Highbury 34 sano ka hor.

Arsenal ayaa markii ugu horreysay shabaqa ilaashatay todoba cayaar oo ay dheeshay dhammaan tartamada waana kulankii ka dhanka ahaa kooxda Everton ee asbuucii hore.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close