Ernesto Valverde oo sharaxay sababta uu Lionel Messi u dhigay kursiga keydka kulankii Athletic Bilbao

(La Liga) 29 Sab 2018. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa tilmaamay in Lionel Messi uu ku soo bilaawdo kursiga keydka kulankii Athletic Bilbao inay ahay arin muhiim ah.

Macalinka reer Spain ayaa ku dooday in Barcelona ay sugayaan kulamo kale ee aad u adag, sidaas darteed uu go’aansaday in ugu yaraan qeyb ka mid ah kulankan uu nasiino helo.

Markale kooxda Barcelona ayaa kulankeeda saddexaad guul la’aan noqotay kaddib markii waqti dambe ay barbaro ka heleen kooxda Atletico Bilabo kulankii ka dhacay garoonka Camp Nou.

“In Lionel Messi uu ku soo bilaawday kursiga keydka kulan adag sida Athletic Bilbao, ayaa sabab u ah inay jiraan kulamo kale aad u adag ee inagu soo aadan”.

“Waxaan aqriyay ciyaarta waxaana go’aansaday in Messi uu ku soo bilaawdo kursiga keydka, balse xaalada ma aysan fiicneen ugu dambeyntii”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close