Deg Deg: Juventus oo ku dhawaaqday in Giuseppe Marotta uu ka tagayo shaqada Bianconeri

(Serie A) 29 Sab 2018. Kooxda Juventus ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah in agaasimaheeda guud ee Giuseppe Marotta uu go’aansaday in 25-ka bisha Oktoobar ee soo aadan uu isaga dhaqaaqi doono shaqada kooxda Bianconeri, kadib markii uu siddeed sano ku soo qaatay.

Giuseppe Marotta ayaa arintan kala hadlay shabakada Sky Sport Italia kadib kulankii ay guusha 3-1 ay maanta kaga gaareen kooxda Napoli kaasoo ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Marotta ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda Juventus, kahor inta aan si rasmi ah loogu shaacinin website-ka kooxda Bianconeri.

“Waxay ahayd siddeed sano cajiib ah, Juventus waxay mar walba ahaan doontaa qalbigeyga, waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo arintan, sababtoo ah liiska maamulka wuxuu soo bixi doonaa isniinta soo aadan mana ku jiri doono magaceyga”.

“Go’aanka rasmiga ah waxaan ku dhawaaqi doonaa 25-ka bisha Oktoobar ee soo aadan, mana jiri doono wax heshiis kordhin ah, ilaa iyo xiligaas waxaan sii ahaan doonaa agaasimaha kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close