Carlo Ancelotti oo dhaleeceeyay garsooraha iyo ciyaartoyda Napoli ka dib guuldaradii Juventus

(Serie A) 29 Sab 2018. Tababaraha reer Talyaani ee kooxda Napoli Carlo Ancelotti ayaa si xoogan u dhaleeceeyay garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii ay guuldarada 3-1 kala kulmeen Juventus ee Luca Banti.

Kooxda Juventus ayaa sii dheereesatay hogaanka horyaalka Serie A kadib markii ay guul 3-1 kaga gudubtay imtixaankii kooxda Napoli.

Carlo Ancelotti ayaa u sheegay shabakada Sky Sport kadib kulanka in garsoore Luca Banti uu qaatay go’aamo qaldan inta kulanka uu socday.

“Garsooraha wuxuu sameeyay go’aan qaldan, kadib markii uu kaarka roosaha uu siiyay Mario Rui, sababtoo ah ma uusan u qalmin”.

“Waxaan ka carooday dhamaan ciyaartoyda kooxdeyga Napoli, sababtoo ah kulanka waxaan kaga bilaabanay si adag, waxaan hogaanka u qabanay ciyaarta, balse waxaan galnay xaalad adag”.

“Waxaan u ogolaanay Juventus fursad ay ku helaan kalsoonidooda, qaab ciyaareedkooda guud wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, shaqsi ahaan iyo khibrad ahaanba”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close