Barcelona oo shaacisay xiddig muhiim ah oo ka maqnaanaya kulanka Tottenham

(Barcelona) 29 Sab 2018 Barcelona ayaa goor dhaw shaacisay inay waynayso laacib muhiim ah kulanka ay u martin doonto Tottenham arbacada.

Barcelona oo 3-kulan oo xiriir ah aan guul gaarin ayaa arbacada u safraysa Tottenham kulan ka tirsan wareega guruubyada koobka horyaalada yurub.

Sergi Roberto ayaa dhaawac looga saaray kulankii Barcelona ay barbaraha la gashay caawa kooxda Athletic Bilbao oo marti ugu ahayd Camp Nou.

War rasmi ah oo ka soo baxay kooxda reer Catalonia ayaa lagu sheegay in Sergi Roberto uu qabo dhaawac fudud kaas oo uu ku seegi doono kulanka Arbacada ee Tottenham.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close