Barcelona oo Kulankii Seddaxaad Xariira Guul La’aana iyagoo Goor Dambe Barbaro ka helay Dhigooda Atletic Bilbao+SAWIRRO

( La Liga ) 29 Sab 2018. Markale kooxda Barcelona ayaa guul la’aana kaddib markii waqti dambe ay barbaro ka heleen kooxda Atletico Bilabo kulankii ka dhacay garoonka Camp Nou.

Difaacayaasha horyaalka La Liga Spain ayaa seddaxd dheel xariira guul gaariin waxayn hore dhibco ugu lumisay Girona oo barbaro ay la gashay iyo guuldarro bartamaha asbuucii hore kasoo gaartay Leganes.

Kulanka ka dhacay garoonka Camp Nou ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda Martida waxaana goolka u gaaray daqiiqadii 41-aad laacibka Oscar De Marcos.

Balse cayaarta oo gabao gabo ku dhaw Barcelona ayaa la timid goolka bareejada waxaana u dhaliyay Xiddiga Munir El Haddadi oo caawin ka helay Lionel Messi.

Kabtanka Barca ee Messi ayaa badal kusoo galay dheeshan wuxuuna kooxdiisa u horeyseeday inay dhibcaha la Wadagaan kooxda Bilbao.

Natiijooyinkaan liita ee soo food saaray kooxda Catalans ayaa kusoo beegmaya xili kooxda ay guula xariir ku daah furatay horyaalka markii ay wada badiyeen afarta kulan ee ugu horreysay balse seddaxdii kulan ee dambe kooxda ayaa ka heshay laba dhibcood halka suuragal ahaan la filan karay 9 dhibcooda.

Balse guuldarrada soo gaartay Barca weli waa waa kuwa horyaalka ku hogaanimaya si ku meel gaara ilaa laga ogaado natiijada kulanka Derby Madrid ee dhexmari doona Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Lionel Messi comes on as a substitute

Lionel Messi of FC Barcelona

Ousmane Dembele in action

Luis Suarez reacts to missing a chance

Athletic Bilbao's Oscar de Marcos celebrates

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close