Zidane oo kula taliyay Kylian Mbappe inuu ku biiro kooxdaan!

(Paris) 28 Sab 2018 Tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa la taliyay da’yarka ay isku dalka yihiin ee Kylian Mbappe.

Zidane ayaa kula taliyay Kylian Mbappe inuu ka tago PSG isla markaana uu ku biiro kooxda Real Madrid ee horyaalka Spain.

Kylian Mbappe iyo Zidane ayaa isniintii ku kulmay xaflada abaal marinada xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, halkaas ayeeyna ku sheekeysteen.

Tababaraha reer France ayaa si cad ugu sheegay Kylian Mbappe inuu ku biiro Real Madrid maadaama ay tahay koox uu ka samayn karo magac wayn.

Kylian Mbappe ayaa kula jira PSG heshiis gaaraya ilaa 2022, qiimo suuqeedkiisa ayaana lagu qiyaasaa 150 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close