Xiddigaha Manchester United oo la kala saftay Mourinho iyo Pogba! (Yaa ku jira safka Pogba?)

(Manchester) 28 Sab 2018 Xiddigaha Manchester United ayaa la kala saftay Jose Mourinho iyo Paul Pogba oo isku dhacsan sida ay baahisay Daily Mail.

Anthony Martial iyo Eric Bailly ayaa hogaaminaya safka Pual Pogba ee sida wayn uga soo horjeeda in Mourinho uu sii ahaado tababaraha Manchester United.

22 jirka reer Brazil ee Andreas Pereira ayaa isna qayb ka noqday xiddigaha la safan Pogba, Luke Shaw iyo Rashford ayaa iyaguna ah kuwo aad ugu dhaw kooxdaan ku kacsan Mourinho.

Waxaa aad looga cabsi qabaa in Fred uu qayb ka yahay safka Pogba kadib markii la ogaaday inuu qayb ka ahaa xiddigihii musiga ku shitay baska kooxda u soo waday Old Trafford kulankii Wolves.

Xiddigo waa wayn oo ka tirsan United ayaa ka fogaaday xiriirka Pogba si tababare Mourinho uusan uga shakin, waxaana kamid ah Nemanja Matic iyo Ashley Young.

Waxaa iyaga ka sii horeeyay Michael Carrick oo haatan ku jira tababareyaasha kooxda, Romelu Lukaku ayaa isaga fogaaday Pogba si uusan shaki u galin xiriirka kala dhexeeya tababaraha reer Portugal.

Romelu Lukaku iyo Pogba xiriirkooda waa mid wanaagsan, laakiin Lukaku ayaa si gaar ah uga fogaaday la tacaamulka Pogba si aan loogu arag inuu la fasan yahay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close