Unai Emery oo ka warbixiyay sababaha loo xayiray heshiis kordhinta Aaron Ramsey

(Arsenal) 28 Sab 2018. Macalinka reer Spain ee Unai Emery ayaa ka warbixiyay sababaha loo xayiray heshiis kordhinta Aaron Ramsey, kaasoo heshiiskiisa haatan uu dhacayo xili ciyaareedka soo aadan.

Laacibka reer Weles ee Aaron Ramsey ayaa suuragal noqon karta in xili ciyaareedka soo aadan uu beeca xurta ah kaga dhaqaaqo kooxda reer London ee Arsenal.

Hadaba Unai Emery ayaa kahor kulan ay kula ciyaari doonaan kooxda Watford horyaalka Premier League kaga hadlay shirkiisa jaraa’id sababaha loo xayiray heshiis kordhinta Aaron Ramsey.

“Aniga ahaan, ciyaaryahan walba waa mid aad muhiim ugu ah kooxda, waxaa jira saddex walxood ee door muhiim ah ka ciyaara heshiis kordhinta, saddexda arimood ayaa kala ah, ugu horeyn waa ciyaaryahanka, ciyaartoyda waxaana garab socda qoyskooda, wakiiladooda, halka Qeybta kale ay tahay kooxda”.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay iska iibiso Aaron Ramsey suuqa furmi doono bisha Janaayo hadii aysan dooneynin inay ku fasaxdo beeca xurta ah xili ciyaareedka soo aadan.

Kooxaha Manchester United, Chelsea, Juventus iyo Lazio ayaa dhamaantood wada xiiseenaya inay gacanta ku dhigaan saxiixa Aaron Ramsey, hadii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo kooxda Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close